Hay’adda Helping Hooyos Organisation oo deeq Raashiin ah gaarsiisay 20 Qoys Naafa ah

0
105

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Hay’adda Helping Hooyos Organisation oo fadhigeedu yahay magaalooyinka Landan, Nayrobi, ayaa fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan waxay deeq raashin ah gaarsiiyeen Qoysaska kamid ah Dadka Naafada ah ee ku nool Magaalada muqdisho

Deeqda raashinka ayaa ka kooban bur bariis, Sokor, Saliid iyo Timir ayaa loo qeybiyey 20 qoys oo kamid ah Dadka Naafada ah ee ku nool Magaalada muqdisho kuwaa oo loogu talagalay iney ka dhigtaan Afurka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here