Arsenal Oo Dhulka Jiid-jiidday Fulham, Siina Dheeraysatay Hoggaanka Premier League

0
71

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xasuuq ay u geysatay Fulham ku dheeraysatay hoggaanka horyaalka iyadoo mar kale shan dhibcood ka sare martay Manchester City oo usoo dhowaatay shalay markii ay guusha cidhiidhiga ah ka gaadhay Crystal Palace.

Gunners ayaa qaybtii horeba xaqiijisatay saddexda dhibcood ee ciyaarta iyaga si fudud u burburiyey difaacayahannada Fulham oo u muuqanayay in aanay diyaar u ahayn ciyaartan oo kale.

Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Gabriel Magalhaes, Gabriel Martinelli iyo Martin Odegaard ayay Arsenal ku dishay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Fulham iyadoo ciyaartan uu wacdaro ka dhigay xiddiga reer Belgium ee Leandro Trossard oo sameeyey saddexlay caawin ah.

Arsenal ayaa u dabbaal-degtay gool aan loo qorin oo daqiiqaddii 16aad uu isku qabtay Antonee Robinson oo lugta u dhigay, goolkiisana ku leexiyey kubbad uu dhinaca bidix ka keenay Gabriel Martinelli. Laakiin waxa la baxsatayย VAR oo laga soo hubiyey oo diidday goolka iyada oo laynkii lagu sawiray uu muujiyey in weeraryahnka reer Brazil uu ku jiray offside.

Kubbad koorne ahayd oo uu soo qaaday Leandro Trossard ayaa waxa madax awood badan ku dhaafiyey goolhayihii hore ee Arsenal ee Leno, waxaanay sidaas Gunners ku qabatay hoggaanka. Goolkan ayaa yimid daqiiqaddii 21aad ee ciyaarta, iyadoo Gabriel na ay u ahyd goolkiisii saddexaad ee uu ka dhaliyo Fulham afar ciyaarood oo uu ka hor tegay.

Shan daqiiqadood oo kaliya ayay ku qaadatay Arsenal inay sii dheeraysato hoggaanka oo ah ka dhigto 2-0. Kubbad kale oo uu si xarrago leh uga shaqeeyey Leandro Trossard ayaa waxa uu ku garaacay oo uu orod ku dhaafay Tete, kaddibna waxa uu soo hordhigay goolka, waxaana shabaqa ku leexiyey Gabriel Martinelli.

Arsenal ayay u ahayd maalin ay dabbaal-deg ku jirtay oo ay qaybtii hore xaqiijisteen guusha, laakiin goolhaye Aaron Ramsdale ayaa ku sigtay inuu jabiyo kooxdiisa daqiiqaddii 42aad isaga oo kubbad si qaldan ugu dhiibaay Pereira, balse laacibka reer Brazil ayaa kubadda la waayey goolka oo madhan, waxaanu dul-mariyey birta.โ€™

Daqiiqaddii 45+2 ee waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayaa uu Martin Odegaard xerada ganaaxa oo dhinaca midig ah kasoo galay isaga oo ay lugtiisa ku jirto kubbad uu soo farsameeyey Leandro Trossard. Shafka ayuu ku qabtay ka hor intii aanu Odegaard la dhex ordin dhawr difaac isla markaana darbad xooggan weydaarinin goolhaye Leno.

TAARIIKH:ย Leandro Trossard ayaa rikoodh cusub ka sameeyey horyaalka Premier League, waxaana uu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee saddex gool caawiye ka noqda qaybta hore ciyaar Premier League ah. Ma jiro ciyaartoy hore u sameeyey arrintan oo kale.

Weeraryahanka Belgium ee Leandro Trossard ayaa sidoo kale noqday ciyaartoyga saddexaad ee ugu badan horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, isaga oo sameeyey toddoba caawimood. Kaliya waxa ka horreeya Kevin de Bruyne iyo Bukayo Saka halka ay isku mid yihiin Mohamed Salah iyo Eriksen oo ay min toddoba gool caawiyeen.

Fulham ayaa birta garaacday waqti dambe oo qaybta labad ah laakiin uma aanay suurtogelin in ay shabaqa soo taabtaan, iyadoo Arsenal ay guushu ku raadcay 3-0.

Dhamaadkii ciyaarta waxa Arsenal ay dib u heshay weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus oo kasoo laabtay dhaawac kasoo gaadhay Koobka Adduunka horraanta bishii December oo sababay in qalliin jilibka ah lagu sameeyo.

Gunners ayaa yeelatay 66 dhibcood halka Man City oo labaad fadhidaa ay leedahay 61 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here