Madaxweynaha Gambia oo ka hadlay guuldaradii Man United ee EPL-ka

0
120

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha Dalka Gambia ee Hage Geingob ayaa si baas ugu digtay kooxda Man United kadib guuldaradii ka soo gaartay garoonka Anfield kulan ka tirsanaa kulamada Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa 7/0 kaga badisay Kooxda Man United kulan Premier League ahaa oo ka dhacay garoonka Anfield waxaana ay dusha ka saareen guuldaro xanuun badan.

Kadib ciyaarta ayuu madaxweynaha dalka Gambia Hage Geingob ayaa baraha bulshada gaar ahaan bartiisa Twitter ugu digtay kooxda Man United.

Madaxweynaha dalka Gambia ee Hage Geingob ayaa ku qoray Bogiisa Twitter-ka” Waxan u sheegay Liverpool in ay badiyaan, laakiin kuma amrin in ay xasuuqaan kooxda Man United”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here