Hordhac: Liverpool vs Man United

0
133

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Labada kooxood ee ugu guulaha badan kubada cagta Ingariiska ee Liverpool iyo Manchester United ayaa caawa ku balansan garoonka Anfield, waana kulan si weyn loo wada sugayo.

Liverpool wuxuu hamigoodu yahay inay ka mid noqdaan afarta sarre ee u soo baxeysa Champions League halka Manchester United ay lugta kula jirto tartanka horyaalka iyadoo ay ka horeeyaan Man City iyo Arsenal.

Labada kooxood ayaa kulmaya xilli ay guulo soo gaareen kulankoodii ugu danbeeyay. Liverpool waxay 2-0 ku soo garaacday Wolves halka Man United ay guul soo laabasho 3-1 ka gaartay West Ham kulankii FA Cup.

Kulanka: Liverpool vs Man United

Garoonka: Anfield

Garsoore: Andrew Madley

Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here