Kooxaha Real Madrid Iyo Chelsea oo Ku Dagaalamaya Weeraryahan Halis ah

0
176

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaaga waxa uu noqon doonaa mid la isku adeegsado lacago oo mar kale ay kasoo muuqdaan ciyaartooyo la kala afduubayo, iyadoo durba labada kooxood ee Real Madrid iyo Chelsea ay isku sii haystaan saxeexa weeraryahan ay mid walba dhinaceeda u doonayso.

Chelsea ayaa waxay raadinaysaa weeraryahan dhexe maadaama uu Kai Havertz aad ugu liita dhalinta goolasha oo kaliya uu saxeexay shan gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan, halka Pierre-Emerick Aubameyang oo afar gool dhaliyey uu kursiga kaydka ku jiro.

Sida uu qoray wargeyska Football Insider, Chelsea ayaa waxay isku diyaarinaysaa inay Real Madrid kula tartanto weeraryahanka kooxda Juventus ee Dusan Vlahovic oo uu hore Carlo Ancelotti u calaamadsaday inuu noqdo beddelka koowaad ee Karim Benzema.

Xiddigan u dhashay dalka Serbia oo Juventus ah ayaa la rumaysan yahay in kooxdiisu ay ogolaanayso inay iibiso sababo la xiriira dhaqaale xumada ku habsatay ee keentay in lagu rido ganaax lagaga jaray 15 dhibcood.

Vlahovic ruled out before World Cup

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here