Hordhaca : Arsenal Vs Everton

0
174

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Everton kulan ka tirsan kulumada horyaalka Premier League kaas oo ka dhici doona garoonka kooxda Arsenal ee Emirates.

Kulanka: Arsenal Vs Everton

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 10:45

Garoonka: Emirates

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay ka aarsato kooxda Evetron kuwaas oo dusha u saaray guuldaro kulankoodii hore ee ay wada ciyaareen.

Wiilasha uu hogaamiyo tababare M Arteta ayaa doonaya in ay 5 dhibcood ku qabtaan horyaalka Premier League kulankan oo baaqi u ah kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa badisay kaliya hal kulan afartii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkeeda Emirates (2 bar-baro iyo 1 guuldaro) kadib markii ay badisay mid kasta oo ka mid ah 10-kii kulan ee hore.

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa shabaqeeda ilaashatay labo kulan 16-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay garoonka Emirates.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here