Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Goboleedka Jubbaland ayaa sheegtay inay bilaabeyso qaadista canshuurta sanadlaha ah ee wado marista gaadiidka.
Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Goboleedka Jubbaland Saynab Rashiid Cige oo shir Jaraa`id ku qabatay xafiiska Wasaarada ayaa fariin u dirtay bulshada Jubbaland gaar ahaan gadiidley taasoo ay tilmaamtay iney bilaabatay qaadista canshuurta sanadlaha ah ee wado marista gaadiidka.
Awke Ali Awil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.