Sadio Mane Oo Iska Indhotiray Salah Iyo Firmino Isagoo Magacaabay Weeryahankii Ugu Fiicnaa Ee Uu Garoon La Wadaago

0
139

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xiddigii hore ee Liverpool Sadio Mane ayaa u magacaabay Divock Origi dhameystirihii ugu fiicnaa ee uu garoon la wadaago waayihiisa ciyaareed.

Mane ayaa xiddigo waa weyn ka garab ciyaaray oo ay ku jiraan asxaabtiisii hore ee Liverpool Roberto Firmino iyo Mohamed Salah.

Laakiin waxa uu sheegay in Origi uu dhameystiri fiicnaa ahaa marka loo eego labada xiddig kale ee Liverpool.

Xiddiga reer Senegal ayaa xagaagii hore ka tagay Liverpool ka dib markii uu guulo waa weyn ku hoos gaaray Jurgen Klopp wuxuuna ku biiray Bayern Munich.

Inkastoo uu Mane ixtiraam u hayo xiddigaha weerarka ee Liverpool ee uu ka garab ciyaaray, hadana waxaa dad badan lama filaan ku noqotay in Origi oo keyd u fadhin jiray Reds haatana keyd u fadhiya AC Milan uu yahay dhameystirihii ugu fiicnaa ee uu garoon la wadaago.

Mane ayaa jawaabtaan bixiyay ka dib markii uu barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah uga qeyb galay Tiktok, waxa uu sidoo kale Jordan Henderson ku tilmaamay hogaamiyihii ugu fiicnaa ee uu ka garab ciyaaray.

Mane waqti dheer kuma qaadanin inuu saameyn ku yeesho Bayern Munich isagoo u dhaliyay 11 gool islamarkaana sameeyay afar caawin 23 kulan uu u saftay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here