Belguim Oo Noqday Xulkii Ugu Horeeyay Ee Iska Xaadiriya Tartanka Euro 2020

0
391

Kismaayo (Waamo Radio) Xulka Belguim ayaa Noqday Xulkii ugu Horeeyay ee iska xaadiriyay wareega Group-yada Tartanka Euro 2020 Kadib Markii ay Guul weyn ka Gaareen Xulka Qaranka San Marino Kulamada is reeb-reebka Euro 2020.

Xulka Belguim ayaa 9 Gool Kaga badiyay Xulka San Marino iyaga oo Xaqiiqsaday Booskooda Wareega Group-yada ee Tartanka Euro 2020.

Belguim ayaa Kaalinta 1-aad Kaga soo Baxday Group-keeda I Kadib Markii ay Badiyeen Kulamadii Ay Soo Ciyaareen Kulamadaas Oo Gaaraya Ilaa 7 Kulan oo is reeb-reebka Tartanka.

Xulka Qaranka Belguim ayaa Sidoo Kale Dhaliyay Goolal Badan oo Gaaraya 27 Gool Kulamadii ay Ciyaareen iyaga oo Noqday Qarankii ugu Horeeyay ee iska Xaadiriya Wareega Group-yada ee Tartanka Euro 2020.

Xulka Belguim ayaa Sii Goostay Tigidhka inkasta oo ay Dhiman yihiin Kulamo Kamid ah Kulamada Is reeb reebka Tartanka Euro 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here