Shax Laga Sameeyay Saxiixyada Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareeedkan Oo La Soo Saaray

0
432

Kismaayo (Waamo Radio) Taageerayaasha Kubada Cagta ayaa Jecel Marka Ciyaaryahan Qiimo Qaali ah Ku yimid kooxdooda uu Noqdo Xiddig Fiican Laakiin Sidoo Kale Waxaa Jira Xiddigo Badan Lacag Badan Koox ku yimid oo sidoo kale Qaab ciyaareed xun soo bandhigeen.

Kooxaha Horyaalka Premier League ayaa Xagaagan Ku Qarash Gareeyey suuqa galiyaan Lacag Dhan 1.5 Bilyan euro Si ay ula Soo Saxiixdaan xiddigaha ay doonayaan iyada oo ay ka dheceen saxiixyo badan oo waaweyn waliba qaarkood isku muujiyay in ay yihiin kuwo fiican.

Shaxdan Ayaa Waxaa Kasoo Muuqday Ciyaartoyda Sida, Adrian (Liverpool) ,Aaron Wan-Bissaka (Man United) , Wesley, Tyrone Mings (Aston Vila), Philip Billing, Harry Wilson (Bournemouth), Jordan Ayew (Crystal Palace), Haller (West Ham) Iyo Erik Pieters (Burnley) ayaa ka mid ah saxiixyada ugu fiican ee premier League ilaa haatan

Waxa lama filaan ah in shaxda laga dhex waayay saxiixa daafaca ugu qaalisan ee Harry Maguire kaas oo aan ilaa haatan xumayn inkasta oo ay kooxdiisu dhibaatoonayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here