Heerka Ay Chelsea Ka Taagan Tahay Xiisaha Victor Osimahen Oo Shaaca Laga Qaaday

0
151

Kooxda Chelsea ayay warbaahintu sheegaysaa inay ka go’antahay inay suuqa xagaaga la saxeexato gool dhaliyaha Napoli ee Victor Osimahen.

Blues ayaa xagaaga la saxeexanaya Christopher Nkunku oo ay haatanba kala sii heshiiyeen RB Leipzig balse ay ka go’antahay inay helaan weeraryahan dhexe oo buuxa.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegtay in kooxda tababare Graham Potter ay doonayso inay Osimahen kaga horreyso oo ka dulqaado Man United oo dhinaceeda isha kaga haysa.

Sida uu haatan sheegay wargeyska The Mirror, Chelsea ayaa gaadhay heerka ah inay waxkasta u samayn doonto sidii ay Osimahen kagala saxeexan lahayd Napoli.

Osimahen ayaa xilli ciyaareedkan 2022-23 ku jira qaab ciyaareed wanaagsan isagoo 17 gool iyo afar caawimo kusoo sameeyay 21 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Osimahen ayaa toddoba gool soo dhaliyay shantii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka waxaana kamid ah laba gool oo uu shalay la gaadhay shabaqa Spezia.

Napoli ayaa la sheegay inay 120 Milyan oo euro ku doonayso saxeexa Osimahen, Chelsea iyo Man United ayaa diyaar u ah bixinta qiimaha lacagtaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here