Kooxda Man United oo guul ka gaartay kooxda Crystal Palace

0
152

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Man United ayaa guul ka gaartay kooxda Crystal Palace Kulan ka dhacay garoonka Old Trafford kana tirsanaa horyaalka Premier League.

Kooxda Man United ayaa daqiiqadii 7-aad heshay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United ahayd kooxda fiican isla markaas ciyaarta kaga badeen qaybta hore iyaga oo hogaaminaya.

Qaybta dambe ayay Man United si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay sii wadeen raadinta goolal ay doonayeen in ay ciyaarta ku dilaan.

Daqiiqadii 62-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Kooxda Man United ayuu xaalku ku xumaaday daqiiqadii 69-aad kadib markii kaadhka cas ee tooska ah loo taagay xiddiga khadka dhexe ee Casemiro kaas oo kooxdiisa kaga baxay 10 xiddig.

Kooxda Crystal Palace ayaa daqiiqadii 75-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Jeffrey Schlupp kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay ciyaartu dib ugu furantay, waxaa sidaasi kusoo dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guul 2/1 ah ka gaartay Crystal Palace.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here