Kismaayo(Waamo Radio)Kulankan ay soo qabisay wasrada macadanta tamarta iyo biyaha. Dowalad gobaled jubbaland aya waxa loga hadlayay qaabka ugu haboon ee Guud ahaan magalada kismayo lo gaarsin laha biyo nadiif ah . waxa Madasha kulanka kasoo qayb galay masuliyiin ay kamid yihiin gudomiyaha Rugta ganacsiga jubbaland ,gudomiyaha gobolka jubada hose Iyo wasiirka wasarada macadanta tamarta iyo biyaha
Shifi rabit kahin oo gudomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha jubbaland Oo kulanka kahadlay aya shegay in biyaha la antod ayana nolol jirin lona Bahanyahay in shacabka reer kismayo ay helan biyo ku filan oo nadiif ah.
Dhanka kale Wasiirka Wasaarada Macdanta, Tamarta iyo biyaha Jubbaland ayaa manta kulan is xog wareeysi ah la qaatay 20 hey’adood oo ka mid ah hey adaha ah ka Shaqeeya Arimaha Gar-gaarka Ee Xarumaha ku leh Magalada Kismayo
Hay’adaha Ayaa wasiirka uga warbixiyey Waxyaabaha ay ka qabteen dhinaca Biyaha oo ay ka mid yihiin Qaar ka midda Goobaha Waxbarashada Kismaayo oo ay hay’aduhu ka Fuliyeen Mashaariic dhinaca biyaha ,Ceelbiyood laga qoday Xaafadaha la Dajiyay dadka ka soo Laabanaya Xerayaha qaxootiga dhadhaab Ee Dalka Keenya.
Waxaa Warbixintaan inoo soo jeedinaya:-Xamdi Maxamed Yaasiin.