Isku-aadka Semi-finalka Copa del Rey oo lasoo saaray

0
184

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Isku-aadka semi-finalka tartanka Copa del Rey ayaa la shaaciyey, waxaanay mar kale taageereyaashu nasiib u yeelanayaan inay daawadaan El Clasico iyadoo tirada kulamada kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ay foodda isku-darayaan xilli ciyaareedkan ay noqonayaan shan kulan.

Laba ciyaarood oo laba lugood ah ayay Real Madrid iyo Barcelona ku kala bixi doonaan, waxaanay midkooda soo gudubtaa finalka ugu tegi doontaa Osasuna iyo Athletic Bilbao oo loo aqbalay ducadoodii ahayd inay ka badbaadaan naadiyada awoodda badan, balse iyagana ay midkood soo bixi doonto.

Qori-tuur la sameeyay, ayaa waxa uu nasiibku isku beegay Real Madrid iyo Barcelona  oo laba toddobaad ka hor ku kulmay finalka Spanish Super Cup oo ay Barcelona si xun ugu karbaashtay Real Madrid.

Tartankan oo wareegyadiisa hore ay kooxuhu ku kala baxaan min hal ciyaar ayaa isbeddel lagu sameeyaa marka lasoo gaadho semi-finalka, waxaana laga dhigaa laba ciyaarood oo labada garoon midba mar la tago, taas oo finalkana ay tagto kooxda isku-darka labada lugood ku goolal badata.

Lugta hore ee semi-finalka Copa del Rey ayay Real Madrid iyo Barcelona foodda isku-dari doonaan February 28, balse lama xaqiijin taariikhdan maadaama ay Los Blancos tegayso tartanka kooxaha dunida ee bisha February horraanteeda la dheeli doono, waxaana suurtogal ah in 1 ama 2-da March ay dheelaan, halka lugta labaadna ay noqon doonto March 4/5 ama 6, taas oo ka dhigan in laba toddobaad oo isku xiga ay ku kala bixi doonaan Barcelona iyo Real Madrid.

Osasuna iyo Athletic Bilbao ayaa lugta hore ciyaari doona 7/9 February halka ciyaarta labaadna noqon doonto 1/3 March.

Isku-aadka oo dhamaystiran

Osasuna vs Athletic Bilbao

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here