Goolhaye Simon Mignolet oo ku guuleystay ciyaartoygii sannadka 2022 ugu fiicnaa horyaalka Belgian

0
95

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Goolhayaha reer Belgium ee Simon Mignolet  ayaa ku guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah ee Golden Ball, waxaana uu noqday goolhayihii ugu horreeyey ee abaal-marintan qaata tan iyo sannadkii 1989kii.

Simon Mignolet oo u ciyaari jiray Liverpool ayaa waxa uu wacdaro ka dhigayaa horyaalka dalkiisa oo uu u ciyaaro naadiga Club Brugge, taas oo u fududaysay inuu ku guuleysto abaal-marintan looga bartay weeraryahannada.

Kubadda cagta, waxa abaal-marinta Golden Ball la siiyaa dhaliyeyaasha laakiin horyaalka waddanka Belgium waxa uu u isticmaalaa qaab kale iyaga oo siiya ciyaartoyga ugu wanaagsan sannadka, waana sababta uu Simon Mignolet ku qaatay abaal-marintan.

Mignolet ayaa loo doortay inuu yahay ciyaartoygii sannadka 2022 ugu fiicnaa horyaalka Belgian Pro Leagu, waxaana fagaare si weyn loo camiray lagu guddoonsiiyey abaal-marinta Golden Ball iyadoo ay xaaskiisa Jasmien Claes garab taagan tahay.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here