Juventus Oo TOBAN Dhibcood Laga Jiray Iyo Agnelli Oo 16 Bilood Laga Mamnuucayo Ciyaaraha

0
172

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa lagu ridi doonaa ciqaab adag oo wiiqi doonta sumcaddeeda iyo hammigeeda xilli-ciyaareedka kaddib markii ay xidhiidhka kubadda cagta Talyaanigu dalbadeen in ciqaab adag la marsiiyo kooxdan iyo masuuliyiinteedii dhowaanta is-casilay.

Xafiiska xeer-ilaalinta Talyaaniga oo uu hormood u yahay Guiseppe Chine ayaa maxkamad ku talla Talyaaniga u gudbiyey dacwad ka  dhan ah Juventus oo ku eedaysan musuqmaasuq iyo been-abuur maaliyadeed oo ay sameeyeen sannadihii guu dambeeyey.

Kiiskan oo ay sidoo kale qayb ka yihiin madaxweynihii hore ee kooxda ee Agnelli, Pavel Nedved iyo shaqsiyaad kale ayaa iyaguna waajihi doona waqti dheer oo laga mamnuuci doono inay ku lug yeeshaan wax la xidhiidha kubadda cagta.

Dheagysigii saaka ayay xeer ilaalinta Talyaaniga iyo xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ee FIGC ay dalbadeen in sagaal dhibcood laga jiro Juventus oo xilligan ku jirta kaalinta saddexaad ee horyaalka  Serie A, taas oo haddii lagu rido xukunkaas u dhaadhici doonta booska siddeedaad.

Waxa kale oo ay xeer ilaalintu saaka usoo gudbisay maxkamadda in muddo 16 bilood ah ciyaaraha laga mamnuuco Agnelli oo ahaa madaxweynihii kooxda ee dhowaanta xilka banneeyey, laakiin waxay ciqaabta ugu daran u dalbeen agaasimihii kubadda cagta kooxda oo lagu magacaabo Paratici, kaas oo waqtigan xilkaas oo kale ka haya Tottenham. Pavel Nedved, Giarimberti iyo Arrivabene ayaa iyagana min 12 bilood ciyaaraha laga mamnuuci doonaa, halka Cherubini uu waajihi doono 10 bilood oo uu joojin doono shaqo kasta oo la xidhiidha kubadda cagta.

Waxa kale oo jiri doona ganaaxyo lacageed oo lagu soo rogi doono kooxaha horyaalka Serie A sida Smapdoria, Empoli, Genoa, Parma, Pisa, Pescara iyo Nova oo dhaamaantood lagu helaya inay dembiyo galeen.

Dhegaysiga maxkamadda ee saaka ayaa waxay ahayd maxkamadda rafcaanka oo ay Juventus geysatay rafcaankeeda markii ay soo baxeen in kiisas waaweyn kusoo fool leeyihiin.

Wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa sheegay, in xeer ilaalintu caddaymo buuxa u hayaan in ay Juventus iyo kooxahan kale galeen dembiyadan, gaar ahaan qodobka 63 ee sharciga caddaaladda ciyaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here