Xiddiga Ay Real Madrid Ka Xoogayso Mancheter United Oo Iska Diiday Inuu Saxeexo Heshiis Cusub

0
184

Kismaayo(Idacaadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka aargoosanaysa Manchester United waxaanay qorshaynaysaa in ay si bilaash ah kagala wareegto xiddig uu Carlo Ancelotti ku riixayo inuu iska diido qandaraas cusub oo ay Manchester United u bandhigtay.

Red Devils ayaa waxay xagaagii Real Madrid kasoo qaadatay Casemiro oo markii uu dalabka ka helay United ka codsaday kooxdiisa hore inay iibiyaan iyaga oo ixtiraamaya waqtigii dheeraa ee uu usoo ciyaaray. Waxa kale oo ka horreeyey Raphael Varane oo waqti ay Real Madrid u baahnayd ka tegay oo u wareegay United.

Real Madrid ayaa markeeda u muuqanaysa inay ka aargoosanayso Manchester United iyadoo xiddigii ay doonaysay ee Alejandro Garnacho uu iska diiday heshiis cusub oo ay United u bandhigtay.

Sida uu ku warramayo wargeyska The Independent, Garnacho oo qandaraaskiisa Manchester United uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa iska diiday inuu heshiis cusub u saxeexo United kaas oo si weyn sare ugu qaadaya mushaharkiisa.

18 juirkan oo Manchester United u saftay 15 kulan oo dhaman tartamada ah, una dhaliyey laba gool iyo shan kale oo uu caawiyey ayaa waxa uu hadda mushahar u qaataa £7,000 Gini toddobaadkii, hase yeeshee waxay heshiiska cusub ee ay United usoo bandhigtay uu mushaharkiisa usbuuclaha ah gaadhsiinayaa £20,000 Gini.

Garnacho oo sidoo kle ay xiisaynayaan kooxaha Juventus iyo Atletico Madrid ayaa waxa uu yahay ciyaartoyga labaad ee ugu mushaharka yar Manchester United, waxaana kaliya ka hooseeya Anthony Elanga oo toddobaadkii qaata £5,500 halka Hannibal Mejbi uu kusoo laban-laabmayo oo uu £13,000 Gini u xaadiro usbuucii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here