Manchester United Oo Dhulka Jiid-jiidday Man City, Fursadihii Ay Iska Lumiyeen & Wixii Ka Dhacay Old Trafford

0
150

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Koxoda kubadda cagta Manchester United ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay Manchester City oo ay ku dhax karbaashtay Old Trafford, waxaanay usoo jirsatay hal dhibic oo kaliya xilli uu tababare Pep Guardiola guul-darro ugu dabbaal-degay kulankiisii 500aad ee waayihiisa tababarenimada.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes ayaa meesha ka saaray gool madi ahaa oo ay ku hormartay Manchester City oo uu u saxeexay Jack Grealish.

Manchester United oo soomisay, isla markaana xakamaysay xiddigii ay Man City goolasha ka sugaysay ee Erling Haaland ayaa waxay Man United ku heshay saddex dhibcood oo ka caawiyey inay kaliya hal dhibic u jirsadaan Man City oo kusii negaatay booskeeda labaad, waxaanay United ka aargoosatay Man City oo ciyaartoodii hore 6-3 kusoo garaacday.

Ciyaarta oo ku bilaabatay si deggan ayay Manchester United qaybtii horeba dili karaysay Man City, waxaana laba fursadood oo waaweyn oo ay heleen ka lumiyey Marcus Rashford iyo Anthony Martial.

Kubbad uu weeraryahanka reer France ee Martial dhinca bidix kala soo galay ayuu la tegay xerada ganaaxa, waxaana isaga oo dhiibi karaya uu la sugay ciyaartoyda kale ka hor intii aanu ku liishaamin darbad ku dhacday difaaca Man City.

Waxyar kaddib ayuu Marcus Rashford helay fursad dahabi ah isaga oo goolhaye Ederson iyo Akanji usii gooyey, waxaana uu la galay xerada ganaaxa iyadoo goolkuna madhan yahay, balse Kyle Walker ayaa kasoo difaacay kubadda oo goolka sii gelaysa.

Baas qaldan oo uu bixiyey Kevin de Bruyne ayaa uu dhaxda ka qabsaday Fernandes oo usii daayey Rashford oo isaguna la galay ula tegay goolhayaha, balse w uu khasaariyey fursaddaas.

Erling Haaland oo si adag loo xakameeyey ayaa waxa kubbad uu ka dhax helay laynka waxa uu ku sallaxday lugta bidix ka hor intii aanu laad awood badan ku toogan goolka, waxaase isku soo tuuray Fred iyo Casemiro oo soo difaacay kubaddaas.

Fursadda ugu fiican ee Manchester City ay heshay qaybta hore ayaa ahayd darbad uu meel fog ka toogtay Kyle Walker oo waxyar dhinaca ka  martay goolka uu waardiyaha ka ahaa goolhaye David de Gea.

Beddel khayr qaba ayaa usoo galay Manchester City  57aad, waxaana laba jeer oo uu isku dayay inuu dhinaca bidix kala soo galo kubadda uu noqday laacibka jabiyey difaacii adkaa ee ay Manchester United lasoo shir tagtay.

Saddex daqiiqadood oo kaliya mrkii uu garoonka ku jiray ayuu Jack Grealish madax ku qabtay kubbad uu dhinaca midig ka keenay Kevin de Bruyne, taas oo goolka ka gashay meel aanu gaadhi karayn goolhaye David de Gea, xilli ay difaacyahannada Manchester United iska ilaalinayeen Erling Haaland.

Manchester United ayaa si degdeg ah ugu soo noqotay ciyaarta, waxaana kubbad uu Casemiro ku burburiyey difaaca Manchester City uu u tuuray Marcus Rashford oo isagana uu ka hor qaatay Fernandes oo darbad xooggan oo uu ku toogtay goolka shabaqa ku hubsaday.

Calanwadaha ayaa diiday goolkan, laakiin garsooraha dhexe ayaa u tegay oo la hadlay, waxaana la ansixiyey goolkaas oo dhashay daqiiqaddii 78aad.

GOOOOOOOOAAAALLL!!!! Manchester United ayaa la wareegtay hoggaanka ciyaarta daqiiqaddii 82aad, waxaana gool qurux bdan u dhaliyey Marcus Rashford oo meel cidlo ah ka helay kubbad uu kasoo shaqeeyey da’yarka reer Argentina ee Alejandro Garnacho, taas oo uu hal taabasho ku weydaariyey goolhaye Ederson.

Fursad kale oo fiican ayay Manchester United heshay markii uu Rashford goolka hortiisa la tegay kubbad ay difaacyahannadu dib uga istaageen, waxaase uu u dhiibay Garnacho oo darbaddii uu goolka ku toogtay ay difaaca City ku dhacday.

Pep Guardiola oo ay maanta ugu buuxday 500 ciyaarood oo uu tababare ahaa ayay Man United guul-darro ugu soo xidhay, waxaanay natiijadani ka dhigan tahay in Manchester United ay wali fadhido kaalinta saddexaad laakiin ay hal dhibic ka dambeeyaan Man City oo 39 dhibcood haysata, halka Man United ay leedahay 38 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here