Xiddiga Weyn Ee Real Madrid Oo Xaaladiisii Ugu Xumayd Mudo TODDOBA Sano Ah Ku Jira Oo Xog Lagu Caddeeyay

0
277

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Sida lagu sheegay xog ka imanaysa saxaafada Spain, daafaca dhexe ee Real Madrid ee David Alaba ayaa xog ahaan ku jira xaaladiisii ugu xumayd mudo toddoba sano ah.

Kaddib qaab xoogan oo ay xilli ciyaareedka ku bilawdeen, Real Madrid ayaa haatan saddex dhibcood ka hoosaysa horyaalka La Liga dhigeeda Barcelona halka ay xilli ciyaareedka oo dhan kaliya saddex kulan shabaqooda ilaashadeen.

Real ayaa dhibaatooyin xaga daafaca ah wajahday, goolhaye Thibaut Courtois ayaa kulamo dhaawac ku seegay halka imaanshaha Antonio Rudiger aysan sidii la filayay u fiicnaan.

Alaba ayaa xilli ciyaareedkii hore lamaane daafac dhexe oo wanaagsan la noqday Eder Militao, tababare Carlo Ancelotti ayaa la filayaa inuu wali xulashadooda sii wado balse ruugcaddaaga Austrian-ka ah ayaa ah mid wakhti adag ku jira.

Sida lagu sheegay wargeyska Diario AS, xogta ayaa sheegaysa in qiimaha difaacasho ee Alaba xilli ciyaareedkan uu yahay 0.100 taas oo ka dhigan in dhaqdhaqaaqiisu hal gool kahor tagayo 10 kulan oo kasta.

Xogtaas ayaa ah mid aad uga hooseysa midiisii xilli ciyaareedkii hore ee ahayd 0.275 iyo waliba guud ahaan xogtiisii toddobadii sano ee ugu dambeeyay.

Sidoo kale Alaba ayaa qayb ka ah dhibaatada Real Madrid ee inay kubadda xaga dambe si fiican uga soo dhisto, marka uu kubadda haysto Alaba ayaa xogtiisa xilli ciyaareedkani tahay 00.6 wuxuuna hoos uga soo dhacay midiisii sanadkii hore ee ahayd 00.12.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here