Man City Oo Boorka Ka Jafatay Rikoor Xun Oo Ay Dhigtay Mudo 4 Sano Ka Hor

0
442

Kismaayo (Waamo Radio) Kooxda Man City ayaa Galabta Guuldaro Lama Filaan ah Kala Kulantay Kooxda Wolves Kulankan Ayaa Ka Tirsanaa Horyaalka Premier League Kulanka ayaa Ka Dhacay Garoonka Kooxda Man City ee Etihad Stadium Kana Tirsanaa Todobaadkii 8-aad ee Horyaalka Premier League ee Dalka England.

Man City ayaa Looga Badiyey 2/0 Iyaga oo ay Ka Badiyen Kooxda Wolves oo markii 2-aad Guul Gaartay Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Man City ayaa Boorka Ka Jafatay Rikoor xun oo ay ka Dhigtay Premier League 4 sano Ka Hor , Kadib Guuldaradaas kooxda Man City ayaa Laga Badiyay Kulan Premier League ah oo ay Ku Ciyaarayso Garoonkeeda Etihad Stadium iyaga oo aan Wax Gool ah Dhalin Markii ugu Horaysay Tan ilaa Bishii March Sanadkii 2016.

Markaas oo Ay Guuldarada Kala Kulantay Kooxda ay Isku Magaalada yihiin ee Man United Kooxda Man United ayaa Dhabarka u Saartay Guuldaro 2/0 ah iyada oo uu Wakhtigaas Kooxda Hogaaminayay Tababare Manuel Pellegrini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here