Xasuuqii Man City U Geysatay Chelsea, Laacibkii Noqday Xiddiga Garoonka & Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Etihad Stadium

0
100

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Riyad Mahrez ayaa dhaliyay labo gool iyadoo Manchester City ay u gudubtay wareega 16ka ee FA Cup iyagoo 4-0 ku xasuuqay Chelsea ciyaartii Etihad Stadium.

Kooxda martida loo ahaa ayaa iska heysatay ciyaarta iyagoo si u qalma hogaanka u qabtay daqiiqadii 23aad markii Mahrez uu dhaliyay kubad laad xor ah.

Julian Alvarez ayaa ka dib hogaanka labo gool ka dhaliyay markii uu dhaliyay gool ku laad ka dib markii VAR ay rigoore ka dhigtay Kai Havetz oo kubada gacanta ku taabtay.

Chelsea ayaana niyadjabtay ka dib goolkaas iyadoo City ay natiijada xaqiijisatay sideed daqiiqadood ka dib markii Phil Foden uu dhameystiray kubad si macaan looga soo shaqeeyay.

Tababare Graham Potter ayaa soo geliyay saxiixa cusub ee Chelsea David Datro Fofana laakiin waxba kama uusan bedelin ciyaarta iyo hab u socodkeeda.

City ayaana xasuuqeeda dhameystirtay ciyaarta oo shan daqiiqo ay ka harsan tahay markii Riyad Mahrez uu dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta iyagoo u gudbay wareega 16ka ee FA Cip/

Kulanka soo socda ee Man City waxay Arbacada la ciyaarayaan Southampton koobka Carabao Cup ka hor inta aysan Old Trafford ku booqanin Manchester United horyaalka Premier League Sabtida.

Chelsea waxay u safreysaa Fulham kulan ka tirsan horyaalka habeenka Khamiista.

XIDDIGA GAROONKA: Riyad Mahrez (Man City)

Wuxuu goolasha ku furay laad xor cajiib ah, wuxuu gacan ku lahaa goolki seddexaad halka uu guusha ku soo afmeeray rigoore uu dhaliyay. Wuxuu Chelsea ka dhibaateeyay garabka midig, wuxuuna udub dhexaad u ahaa weerar kasta oo ay Man City qaado.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

MAN CITY: Ortega 7, Walker 8, Akanji 7, Laporte 7, Gomez 7, Rodri 7, Bernardo Silva 7, Palmer 7, Mahrez 9, Alvarez 8, Foden 8.

Bedel: Phillips 6, Cancelo 6, Lewis n/a.

CHELSEA: Kepa 6, Chalobah 6, Humphreys 6, Koulibaly 6, Hall 6, Kovacic 6, Jorginho 6, Gallagher 6, Ziyech 6, Havertz 5, Mount 5.

Bedel: Datro Fofana 6, Zakaria 6, Azpilicueta 6, Hutchinson 6, Chukwuemeka 6.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here