Arsenal Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Ka Gaartay West Ham & Hogaankii Todobada Dhibcood Oo Ay Soo Ceshadeen

0
99

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Arsenal ayaa guul soo laabasho raaxo leh ka gaartay West Ham oo marti ku aheyd garoonka Emirates Stadium ka dib markii gool looga hormaray ay ku bedeleen seddex gool.

Rigoore uu Benrahma u dhaliyay West Ham ayaa Arsenal looga naxsaday qeybtii hore laakiin qeybtii labaad waxaa guusha ku hogaamiyay Gunners da’ yartooda Bukayo Saka, Martinelli iyo Nketiah.

Lixdii kulan ee maanta la ciyaaray horyaalka Premier League Arsenal ayaa ah kooxda kaliya ee gurigeeda ku ciyaarta ee badisay halka afar kooxood oo marti loo ahaa laga badiyay iyadoo Tottenham ay barbaro gashay.

Guusha Gunners waxay la micno tahay inay hogaanka Premier League ku qabteen todoba dhibcood oo ay ka sareeyaan Newcastle oo labaad soo gashay halka ay sideed dhibcood ka sareeyaan Manchester City.

Ciyaarta ayaa aheyd mid xiiso badan oo labada kooxoodba ay soo bandhigeen kubad adag oo xamaasadeysan. Arsenal ayaa ciyaarta ku bilaabatay inay shabaqa soo taabtaan daqiiqadii 4aad laakiin goolkii uu dhaliyay Bukayo Saka waa la diiday madaama uu offside ahaa.

Gunners ayaa weeraro kale qaaday halka Benrahma uu isku dayay inuu shabaqa meel ka fog ka soo toogto laakiin fursadii ugu fiicneyd waxay timid markii William Saliba uu xerada ganaaxa ku dhex legday Bowen taasoo keentay in garsooraha uu rigoore dhigo.

Waxaa rigoorada u soo istaagay Benrahma oo shabaqa dhexdka ka toogtay islamarkaana hogaanka u dhiibay kooxda West Ham.

Dhamaadkii qeybta hore Arsenal waxaa loo dhigay rigoore markii uu garsooraha mooday in Cresswell uu gacmaha ku celiyay darbo ka timid Odegaard. Laakiin VAR ayaa dib u eegis sameysay, waxaana ku celiskii la daawaday la arkay inuu Cresswell uu madaxa ku celiyay kubada inkastoo uu gacmaha kor u qaaday sidaasi darteed rigoorada waa laga laabtay taasoo ka careysiiyay jamaahiirta Emirates Stadiim.

Waxaa lagu kala nastay qeybtii hore 1-0 oo ay West Ham hogaanka ku heysay inkastoo Arsenal ay boqolkiiba 70 ay kubada heysatay.

Arsenal ayaa dhanka kale u rogtay ciyaarta qeybtii labaad iyadoo Bukayo Saka uu u barbareeyay daqiiqadii 53aad ee ciyaarta ka dib kubad uu ka helay kabtanka kooxda Odegaard.

Shan daqiiqo ka dib Arsenal ayaa dhameystirtay soo laabashadeeda ka dib markii Martinelli uu dhaliyay gool qurux badan oo uu xagal dhib badan ka dhaliyay ka dib baas uu ka helay Granit Xhaka.

Daqiiqadii 68aad guusha Arsenal waxay aheyd mid la xaqiijiyay markii uu Nketiah shabaqa ku hubsaday goolkii seddexaad oo si fiican looga soo shaqeeyay iyadoo Ben White uu si farsamo leh ku dhaafay Benrahma ka hor inta uusan quudanin Odegaard kaasoo isna kubada u sii dhigay Nketiah.

Ciyaarta waxay ku dhamaatay Arsenal oo guul soo laabasho raaxo leh ka gaartay kooxda West Ham islamarkaana hogaanka Premier League ka dhigatay todoba dhibcood oo ay ka sareeyaan kooxda kaalinta labaad ee Newcastle halka ay sideed dhibcood ka sareeyaan Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here