Liverpool Oo Si Rasmi Ah U La Wareegtay Cody Gakpo

0
172

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxaha Liverpool iyo PSV Eindhoven ayaa si rasmi ah uga hishiisyay caawa saxiixa weeraryahanka reer Holland Cody Gakpo oo ay Liverpool kula wareegtay adduun lacageed oo gaaraya 37 milyan ginni oo kaash ah iyo lacago kale oo ku xirnaan doona qaab ciyaareedka ciyaaryahanka.

Wadar ahaan lacagta hishiiska ay Liverpool kula soo saxiixatay Cody Gakpo waxay gaari doontaa 50 milyan ginni.

Hishiiska waxaa si rasmi ah u xaqiijisay caawa kooxda PSV Eindhoven iyadoo maamulaha guud ee kooxda Marcel Brands uu ku qoray website-ka kooxda:

“PSV iyo Liverpool waxay hishiis rasmi ah ka gaaren saxiixa Cody Gakpo.

“23 jirkaan weerarka ka ciyaara wuxuu si dhaqso ah ugu ambabaxayaa England halkaasoo uu ku mari doono tijaabada caafimaadka si uu u dhameystiro hishiiska. Labada kooxood ma shaacin doonaan qiimaha hishiiska laakiin waa hishiis rikoodh u ah PSV.

“Maamulka PSG waxay hishiiska saxiixeen maanta oo Boxing Day ah, waxayna u fasaxeen Gakpo inuu u safro England.”

Hishiiskaan ayaa waxa uu dharbaaxo weyn ku yahay Man United kuwaasoo muddo bilooyin ah lala xiriirinayay xiddigaan balse aan wax dalab rasmi ah ka gudbinin.

Liverpool ayaana saxiixa ciyaaryahanka ku dhameystirtay waqti kooban iyagoo ka hoos xaday tababare Erik ten Hag oo si weyn u doonayay laacibkaan wacdaraha ka dhigay Koobkii Adduunka iyo horyaalka Netherlands.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here