RASMI: FIFA Oo Soo Saartay Qiimaynta Xulalka, Argentina Oo 2aad Ku Jirta & Xulka Kaalinta 1aad Looga Hadhay

0
215

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa soo saaray qiimayntii ugu horreysay ee xulalka kaddib Koobkii Adduunka ee Axaddii lagu soo gabogabeeyey waddanka Qatar, waxaana kaalinta koowaad ee xulka ugu fiican lagu garaacay Argentina inkasta oo ay ku guuleysteen Koobka Adduunka.

FIFA ayaa samaysa qiimayn bille ah oo sal looga dhigo dhibco qiimayn ah oo sida loogu kala badan yahay loogu kala sarreeyo kaalmaha ay xulalku kala gelayaan.

Morocco ayaa wacdaro dhigtay oo si weyn usoo dallacday, waxaanay soo gashay kaalinta 11aad kaddib markii ay soo gaadhay semi-finalka Koobka Adduunka oo ay ka samaysay taariikho waaweyn, iyaga oo noqday dalkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee afar-dhamaadka yimaadda, waana waddanka Afrikaanka ah ee qiimaynta FIFA ugu wanaagsan waqtigan.

Brazil ayaa inkasta oo ay wareegga siddeedda ku hadhay waxay ku jirtaa kaalinta koowaad ee qiimaynta FIFA iyadoo Argentina oo Koobka ku guuleysatay ay labaad fadhido. Faransiiska oo hore ugu jiray afraad ayaa hal darajo sare usoo kacay oo saddexaad soo galay kaddib markii ay finalka Koobka Adduunka yimaaddeen oo Argentina ay rikoodheyaal kaga qaadday Koobka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here