Kylian Mbappe oo Wada hadal La Furay Kooxda Liverpool

0
151

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa xiriir la sameysay wakiilada Kylian Mbappe si ay ugu sheegaan in ay xiiso u qabaan saxiixa xiddiga hadii uu ka tagayo kooxda PSG.

Wararka Liverpool la xidhiidhinaya Mbappe ayaa soo cusboonaaday kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in uu xiddigu ka fikirayo in uu ka tago kooxda PSG.

Sida laga soo xigtay wargayska Sport, Liverpool ayaa wadahadalo la furtay Wakiilada Mbappe si ay ugu sheegaan in ay diyaar u yihiin in ay u dhaqaaqaan saxiixa Mbappe hadii uu go’aansado in uu ka tago PSG.

Mbappe ayaa xagaagii hore si weyn loola xidhiidhinayay in uu ka tagayo kooxda Iyada oo lala xidhiidhinayay kooxda Real Madrid.

Laakiin xiddiga ayaa go’aansaday in uu heshiis cusub u saxixo kooxda PSG iskana sii joogo halkii uu ka tagi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here