Xulka Croatia oo Kaalinta 3-aad Ka Galay Koobka Adduunka

0
140

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Xulka qaranka Croatia ayaa ku dhamaystay kaalinta 3-aad ee koobka adduunka kadib markii ay garaaceen xulka Morocco kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Khalifa International Stadium.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada xul ku dagaalamayeen booska 3-aad ee koobka adduunka kadib markii labadoodaba lagu reebay wareega Semi-final-ka.

Daqiiqadii 9-aad ayuu xulka Morocco dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Achraf Dari kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro 1/1 ah.

Xulka Croatia ayaa ku fiicnaa dhinaca maamulista ciyaarta xilli xiddigaha Morocco ku dhibaatoodeen in ay ka faa’iidaystaan fursadaha ay heleen.

Daqiiqadii 42-aad ayuu xulka Croatia dhaliyay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mislav Orsic kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa ciyaartana ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Croatia kaalinta 3-aad kaga dhamaystay koobka adduunka xilli Morocco ku dhamaystay kaalinta 4-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here