Xulka Argentina oo iska Xaadirisay Finalka Koobka Aduunka

0
162

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Argentina ayaa iska xadaarisay  finalka ka dib markii seddex gool uga taqaluseen Croatia, waxaana saaxibada Messi ugu dambeeysay finalkaan 2014-kii.

Biloowgii waa kala baqayeen labada qaran inkastoo saaxibada Modric ku badnaayeen maamulka kubadda hadana saaxibada Messi wax waliba wa laga filan karay.

Croatia qalad goolhayahaya uu ku galay Alavarez waxaa laga dhigay rigoore u saxiixay Messi daqiiqadii 34-aad, ka dib Croatia dib ayay ugu laabanayaan aagga gooshooda inkastoo isku dayo ay sameeyeen aysan noqon kuwo mira dhala.

Qalad kale oo daafaca ayaa ka dhacay Croatia waxaa ka dhaliyay Alavarz daqiiqadii 39-aad, waxa ayna saaxibada Messi ku fiicnaayeen isku balaarinta garoonka, waxaana muuqaneysay in Messi ku mashquuleen balse si kale ayaa looga faa`ideystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here