Maalinta Caalamiga ah ee iskaa wax u qabso oo maanta dunida laga xusayo

0
171
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Maalinta Caalamiga ah ee iskaa wax u qabso iyo horumarinta dhaqaalaha bulshada  ayaa sanad walba loo dabaaldegaa maanta oo kale  Diseembar 5, oo ay aasaaseen Golaha Guud ee Qaramada Diseembar 17,sanadkii 1985-tii.
yoolalka maalinta ficilku waa in la muujiyo shaqada kala duwan ee mutadawiciinta si kor loogu qaado mahadnaqa bulshada dhexdeeda. Wasaaradda Arrimaha Bulshada ee Australiya, oo mas’uul ka ah qaab-dhismeedka sharciga, ayaa cinwaan looga dhigay shabakadeeda, “Go’aanka iskaa wax u qabso waa lama huraan, in kastoo aysan ahaayn arrin daabacan.”Marka loo eego wasaaraddu, 46% dadku waxay hadda qabtaan shaqo tabaruc ah,
Xuska maalintaan caalamiga ah ayaa bulshooyinka Caalalamka lagu baraarujiyaa muhiimada laga dhaxlo iskaa wax u qabso iyo sida ay dad yowga kala duwan bulshooyin kooda iyo deegaanadooda ugu horumarin karaan  ayagoo ku shaqaaynaya si muta dawacnimo ah” sidoo kale waxaa loo mahadceliyaa dad ku shaqeeya sida is xilqaanka ah .
Agaasimaha waaxda arimaha bulshada ee degmada Kismaayo Farxaan Maxmuud Faarax ayaa Idaacada Waamo uga warbixiyay waxaa ay bulshada soomaaliyeed uga dhigantahay Maalintaan Caalamiga ah ee Iskaa wax u qabso iyo qorshayaasha dowlada hoose ee ku aadan iskaa wax u qabso waxaa uuna sheegay in Jiraan dad badan oo ku nool Magaalada Kismaayo ku waas oo ku shaqeeya si muta dawacnimo ah .
goobo badan oo ku yaala Magaalada Kismaayo oo ka mid yahay Iskuulka Faanoole waxaa lagu dhisay si iskaa wax u qabso ah xiligii dowladii dhexe ee Soomaliya sida uu Idaacada Waamo u sheegay Maxamed Carab oo ah Agaasimaha Tayo dhowrka ee Wasaaradda Maaliyada Jubbaland .

Sanad walba maanta oo kale marka la gaaro waxaa dad yoowga caalamka oo dhan lagu baraarujiyaa muhiimda Iskaa wax u qabso iyo horumarinta dhaqaalaha bulshada

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here