RASMI: Lambarrada Ciyaartoyda Xulka Qaranka France Oo La Shaaciyey & Karim Benzema Oo Loo Diiday Lambarkii Uu Ku Riyoonayay

0
386

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Tababare Didier Deschamps ayaa Isniintii dhamaystiray liiska ciyaartoyda xulka qaranka France ee tegaya Koobka Adduunka, isaga oo kusoo kordhiyey Marcus Thuram, sidoo kalena Presnel Kimpembe ka saaray, kuna soo beddelay Axel Disasi.

Kaddib markii liiska ciyaartoyda France lasoo dhamaystiray, waxa sidoo kale la shaaciyey lambarrada ay xidhanayaan ciyaartoyda xulku, iyadoo Karim Benzema loo diidday lambarradii uu ku riyoonayay ee uu hore ugu soo xidhay xulka qaranka.

Xiddiga adduunka ee bishii hore la guddoonsiiyey abaal-marinta Ballon d’Or oo dib ugu soo noqday xulka qaranka France oo uu ka maqnaa Koobkii Adduunka ee 2018 ayaa waxa uu caan ku ahaan jiray No.10 oo uu dalkiisa u xidhan jiray, iyadoo inta badan kooxihii uu usoo ciyaarayna uu u xidhan jiray No.9.

Lambadan lambarba waa loo diiday Benzema, waxaana kala haysta Kylian Mbappe oo iska yeeshay No.10 iyo Olivier Giroud oo dib loogu soo celiyey xulka oo uu muddo ka maqnaa, isla markaana la siiyey No.9, waxaana Benzema u bannaanaaday No.19 oo uu xidhnaa tartankii UEFA Nations League ee ay sannadkii hore ku guuleysteen iyo kulamadii isreeb-reebka Koobka Adduunka.

Xulka qaranka France ayaa ciyaartooda koowaad waxay Salaasada November 22 la dheeli doonaan Australia, halkaas ayaanay ka  bilaabi doonaan dagaalka difaacashada Koobka Adduunka, iyadoo ay ugu sii xigi doonaan Denmark iyo Tunisia.

Lambarrada ciyaartoyda xulka qaranka France ee Koobka Adduunka

#1 Hugo Lloris

#2 Benjamin Pavard

#3 Axel Disasi

#4 Raphaël Varane

#5 Jules Koundé

#6 Mattéo Guendouzi

#7 Antoine Griezmann

#8 Aurélien Tchouaméni

#9 Olivier Giroud

#10 Kylian Mbappé

#11 Ousmane Dembélé

#12 Christopher Nkunku

#13 Youssouf Fofana

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here