Gerard Piqué oo Ka Dhawaajiyey Inuu Isaga Tagaayo Kooxda Barcelona.

0
176

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Daafaca rug cadaaga ah ee kooxda Barcelona Gerard Piqué ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Barcelona kadib sanado badan oo uu soo joogay Garoonka Camp Nou.

Gerard Piqué ayaa kooxda Barcelona u ciyaaray wax ka badan 400 oo kulan waxana uu kooxda ka noqday Halyeey tan ilaa markii uu ku soo laabtay kooxdaasi.

Xiddiga ayaa sheegay in uu kulankiisii ugu dambeeyay u ciyaari doono Barcelona sabtida kulanka ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Almeria.

Xiddiga Gerard Piqué ayaa Halyeey u ah Barcelona waxana uu ku qornaan doonaa taariikhda kooxda maadaama uu la gaaray guulo badan lana soo qaatay wakhtigii ugu fiicnaa kooxda.

Xiddigan 35 jirka ah ayaa isaga fariistay ciyaaraha kubada cagta kadib markii uu sanado badan soo ciyaaray waxana uu sabtida ciyaari doonaa kulankiisii ugu dambeeyay ee Kooxdiisa Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here