Dunida oo maanta laga xusaayo Maalinta Caalamiga ee soo afjarida isla xisaabtan la’aanta dambiyada ka dhanka ah suxufiyiinta

0
203
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Intii u dhaxaysay 2006 iyo 2020, in ka badan 1,200 oo saxafiyiin ah ayaa lagu dilay
caalamka, iyadoo ku dhawaad 9 ka mid ah 10 kii kiis ee dilalkan ay yihiin kuwo aan wax
xal ah laga helin, sida ay sheegtay hay’adda UNESCO ee kormeerta saxafiyiinta la dilay.
Isla xisaabtan la’antu waxay keentaa dilal badan waxayna inta badan calaamad u tahay
khilaafka sii xumaanaya iyo burburinta sharciga iyo nidaamka garsoorka.
UNESCO waxay ka walaacsan tahay in isla xisaabtan la’aantu ay dhaawacdo
bulshooyinka oo dhan iyadoo qarinaysa xad-gudubyada xuquuqda aadanaha,
musuqmaasuqa, iyo dembiyada.
Iidle Aadan Maxamed ayaa warbixintaan inooga diyaariyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here