Anthony Martial oo Ku Soo Laabtay Tababarka Kooxdiisa 

0
156

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Anthony Martial ayaa maanta ku soo laabtay tababarka kooxda Manchester United sida ay Red Devils ku xaqiijisay boggooda.

“Anthony Martial waxa uu u muuqday mid ku faraxsan ku soo laabashada Tababarka Iyada oo xiddigaha Manchester United qaateen tababarka maanta oo Isniin ah,” ayay kooxdu qortay.

Martial, oo dhaliyay seddex gool xilli ciyaareedkan, ayaa ku dhaawacmay guushii ay ka gaareen Everton waxana uu dhaawac ku seegay kulamadii ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan.

26 jirkaan ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka Real Sociedad ee Europa League Khamiista.

Martial ayaa haysta kaliya 4 kulan si uu tababaraha xulka France ugu qanciyo taam ahaanshihiisa ka hor bilaabashada koobka adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here