Hordhaca :- Kulanka El-Clasico ee Real Madrid v Barcelona

0
159

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Real Madrid ayaa Soo dhaweyneysa kooxda aadka u xifaaltamaan ee Barcelona waana kulanka adag ee Clasico-dii lugta hore ee xilli ciyaareedkan 2022-23 oo lagu ciyaari doono Garoonka Kooxda Real Madrid ee Estadio Santiago Bernabeu.

Labada kooxood ayaa dhibco wadaaga kahor kulanka ay ku dagaalami doonaan hogaanka horyaalka balse kooxda martida ah ee Barcelona ayaa haatan farqiga goolasha ugu haysa hogaanka horyaalka La Liga.

Xogta Kulanka

Tartanka :- La Liga
Garoonka :- Santiago Bernabeu
Wakhtiga :- 5:15 Galabnimo Xilliga Geeska Africa
Garsoore :- Jose Sanchez
  • Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Real Madrid ayuu ka maqnaan doonaa goolhaye Thibaut Courtois oo aad muhiim ugu ah shaxdooda si lamid ah khadka dhexe ee Dani Ceballos.
  • Dhinaca Barcelona waxa wali dhaawacyo kaga maqan Ronald Araujo, Andreas Christensen, Hector Bellerin iyo Memphis Depay balse waxa usoo laabtay Jules Kounde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here