Hordhaca :- Kulanka Adag ee Liverpool VS Man City 

0
175

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Liverpool ayaa qaabili doonta kooxda ay sanadihii ugu dambeeyay horyaalka kusoo tartamayeen ee Manchester City walow ay haatan labada dhinac xaalado kala fog ku jiraan.

Man City ayaa hoggaanka Premier League u jirta hal dhibic iyadoo ka dambaysa Arsenal halka Liverpool saddex dhibcood u jirto kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco taas oo muujinaysa xaqiiqada dhabta ah ee xaaladaha kooxahaas haatan.

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield.

Wakhtiga: 6:30 fiidnimo xilliga geeska Africa.

Garsoore: Anthony Taylor.

  • Liverpool ayay dhaawacyo kaga maqan yihiin xiddigaha kala ah Joel Matip, Alexander-Arnold, Naby Keita, Chamberlain, Luis Diaz iyo Arthur Melo.
  • Dhinaca kooxda horyaalka difaacanaysa waxa dhaawacyo kaga maqan Kyle Walker, John Stones iyo Kalvin Phillips. Manuel Akanji iyo Ruben Dias ayaa la filayaa inay labada daafac dhexe kusoo bilawdaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here