Arsenal oo caawa ku xasuuqday Emirates Stadium kooxda Liverpool

0
166

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul-darro xanuun kulul u xambaarisay Liverpool oo ay ugu dambayntii kaga adkaatay garoonkeeda Emirates Stadium oo guul ay muddo dheer sugaysay ay kaga gaadhay.

Gunners ayaa soo bandhigtay ciyaar qaangaadh ah oo isku xidhan, waxaanay 3-2 ku garaacday Liverpool oo ay waliba shabaqeeda soo taabatay iyadoo daqiiqaddii ugu horreysay ee ciyaartu ay socoto.

Gool degdeg ahaa oo uu ciyaarta ku furay Gabriel Martinelli iyo laba gool oo kale oo uu midkood rikoodhe ahaa oo uu ku daray Bukayo Saka ayaa Arsenal siiyey guul ay dib ugula soo noqdeen hoggaanka horyaalka Premier League oo ay kala wareegeen Manchester City oo Sabtidii si kumeelgaadh ah usii qabatay.

Daqiiqaddii ugu horreysay ee ciyaarta oo ay ilbidhiqsiyo ka dhiman yihiin dhamaadkeeda ayuu da’yarka reer Brazil ee Gabriel Martinelli kubbad kala soo galay dhinaca midig isaga oo ka faa’iidaysatay liidashada Alexander-Arnold oo ay fartu ku godan tahay muddooyinkan dambe, waxaanu darbad xooggan weydaariyey goolhaye Alisson Becker oo aanu wax fursad ah siinin.

Goolkan ayaa argagax ku riday Liverpool oo laba jeer oo kaliya guuleysatay siddeed ciyaarood oo horyaalka ah oo ay dheeshay, waxaana uu Jurgen Klopp qabsaday madaxa isaga oo waqti horeba quus qaatay, hase yeeshee waxay bandhig fiican sameeyey ciyaartoyda Liverpool oo ku dedaalay in ay iska soo bedaan.

Liverpool ayaa heshay dhawr fursadood oo dahabi ahaa 20kii daqiiqadood ee ugu horreeyey waxaana mid ka mid ah lugta la waayey Darwin Nunez, halka Arsenal uu Gabriel Jesus xerada ganaaxa ku maamulay kubbad ay difaacyahannadu ka qaadi kari waayeen oo uu goolhaye Alison ku aaddiyey oo ka badbaadiyey.

Darwin Nunez ayaa Liverpool u keenay goolka barbarraha daqiiqaddii 33aad isaga oo goolka ku leexiyey kubbad uu Luis Diaz kasoo dhigay dhinaca midig oo uu difaacyahannada soo hormariyey.

Waqti badan kuma aanay qaadanin Arsenal in ay dib usoo ceshato hoggaanka ciyaarta, waxaana waqtigii dheeraadka  ahaa ee lagu daray qaybta hore uu Gabriel Martinelli soo burburiyey difaaca midig ee Liverpool ka hor intii aanu kubbadda goolka hortiisa u dhigin Bukayo Saka oo isaguna si fudud ugu leexiyey goolka, sidaas ayaanay qaybta hore ugu dhamaatay 2-1 ay hoggaanka la nasatay Arsenal.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayuu Jurgen Klopp sameeyey beddello degdeg ahaa, waxaanu keenay Joe Gomez oo beddelay Alexander-Arnold halka qaybta hore oo aan dhamaanina uu dhaawac kaga baxay Diaz oo booskiisa uu yimid Roberto Firmino.

Weeraryahanka reer Brazil ee Firmino ayaa Liverpool u dhaliyey gool labaad oo ciyaarta ka dhigay 2-2 daqiiqaddii 53aad, isaga oo goolhaye Ramsdale qasab ku dhaafiyey kubbad khadka dhexe uu kasoo farsameeyey Jordan Henderson oo usii dhiibay Diogo Jota oo isaguna u gudbiyey Firmino.

Intaas wixii ka dambeeyey waxa ciyaarta la wareegtay Arsenal oo gacanta ku dhigtay khadka dhexe oo siday doonaan ay ka yeeleen Granit Xhaka, Martin Odegaard iyo Thomas Partey halka labada dhinac ay dhibaatada ugu weyn kaga abuureen oo ay difaacyada Liverpool ku dawakheen sidii ay u joojin lahaayeen Martinelli iyo Bukayo Saka.

Shan fursadood oo goolal noqon karayay ayay Arsenal iska khasaarisay, waxaana xiddigaha kubbadaha lumiyey ka mid ahaa Xhaka oo laba jeer oo dhinaca bidix ee xerada ganaaxa kubbad loo dhigay marna dul-mariyey mar kalena saaxiibbadiisa baas u dhiibay halkii uu kaga toogan lahaa. Waxa kale oo kubbad goolka sii gelaysa kasoo qabtay Tsimikas, ka hor intii aanay Saka, Jesus iyo Martinelli kubbado kale khasaarin.

Daqiiqaddii 76aad ayaa Arsenal loo dhigay rikoodhe kaddib markii uu Thiago Alcantara lugta ka laaday Jesus oo ku jiray xerada ganaaxa, waxaana gool u beddelay Bukayo Saka oo toogtay dhinaca midig ee goolhaye Alisson oo inkasta oo uu kubadda raacay haddana awoodi waayey in uu qabto, waxaanu ciyaarta ka dhigay 3-2.

Nasiib ayay lahayd Liverpool haddii ay ciyaartu kaga dhamaatay intaas, waxaanay ku sigteen in lagu dhigo rikoodhe kale waqtigii dhamaadka.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Arsenal oo yeelatay 24 dhibcood, dibna ula wareegtay hoggaanka Premier League oo shalay ay si ku-meelgaadh ah u qabatay Manchester City oo hadda haysata 23 dhibcood.

Liverpool ayaa iyaduna kaliya haysata 10 dhibcood oo ay ka urursatay siddeed ciyaarood, waxaanay 14 dhibcood ka dambeeyaan Arsenal oo hoggaanka haysa. Jurgen Klopp ayay kooxdiisu kulanka soo socda la ballansan yihiin Manchester City oo goolal tiro badan dhalinaysa xilli ciyaareedkan, waxaana haddii ay Liverpool guul keeni weydo ciyaartaas ay uga dhignaan doontaa in horyaalka ay macasalaamayn doonaan xilli ciyaareedka maadaama ay adkaan doonto inay soo qabtaan Arsenal iyo City marka loo eego xaaladda ay ku sugan yihiin waqtigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here