HORDHAC: Southampton v Man United

0
183

Manchester United ayaa kulanka fuitaanka toddobaadka afraad ee horyaalka Premier League booqanaysa dhigeeda Southampton iyadoo doonaysa inay guul kale ku hesho niyadii ay ka qaaday kulankii ay Liverpool ka adkaatay Usbuucii hore.

Si lamid ah United, sidoo kale waxa doonaysa inay sii wado kalsoonida ay kasoo heshay guusheedii koowaad kooxda martida loo yahay ee Southampton oo toddobaadkii hore soo jiidhay Leicester City.

Tababare Ralph Hasenhuttl ayaa war wanaagsan ka sheegay xaalada kooxdiisa ee kahor kulanka manta waxaana uu waayayaa ciyaartan kaliya daafaca Valentino Livramento.

Dhinaca Man United waxa jira war xun oo usoo yeedhay dhawaan kaas oo ah inuu markale dhaawacmay kulankana seegayo weeraryahan Anthony Martial oo dhaawac kasoo laabtay ciyaartii hore ee Liverpool.

Si lamid ah Martial sidoo kale waxa Red Devils wali jug kaga maqan daafaca dhexe ee Victor Lindelof. Da’yarta Facundo Pellstri iyo Brandon Williams ayaa ah ciyaaryahanada kale ee ka maqan Manchester.

Ten Hag ayaa la filayaa inuu wax yar ugu badnaan ka bedeli doono shaxdii uu kaga adkaaday Liverpool balse wuxuu kulankiisii ugu horreeyay kusoo bilaabi karaa saxeexa cusub ee Casemiro oo booska kala baxaya Scott McTominay.

Bedelka kale ee ay suurogalka tahay inuu dhaco ayaa ah in Cristiano Ronaldo kusoo laabto shaxda isaga oo bedelaya Anthony Elanga.

Shaaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Southampton (4-2-3-1): Bazunu; Walker-Peters, Bella-Kotchap, Salisu, Perraud; Ward-Prowse, Lavia; Aribo, Elyounoussi, Djenepo; Adams

Man United (4-3-3): de Gea; Dalot, Varane, Lisandro Martinez, Malacia; Fernandes, Casemiro, Eriksen; Sancho, Ronaldo, Rashford

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: St Mary’s

Wakhtiga: 2:30 duhurnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Andrew Madley

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here