MO Salah : Labo Koob ayaan Isku Dayi Doonaa In Aan Kula Guulaysto Liverpool

0
247

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa iska khasaarisay fursad ay ugu guulaysan lahayd koobabka Premier League iyo Champions League xilli ciyaareedkii hore kadib markii ay hal dhibic ugu wayday horyaalka premier League isla markaas guuldaro kala kulantay Final-kii champions League.

Mohamed Salah ayaa sheegay in uu Doonayo in uu mar kale kula guulaysto Liverpool koobabka champions League iyo premier league.

Salah ayaa dhawaan qalinka ku duugay heshiis uu mustaqbalkiisa ugu hibeeyay kooxda Liverpool waliba 5 sano ee soo socota kula joogi doono.

Salah oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xilli ciyaareedkii hore ujeedkaygu waxa uu ahaa in aan ku guulaysto champions League laakiin ma dhicin”.

“Mar kale ayaan isku dayi doonaa in aan Liverpool kula guulaysto koobabka premier League iyo champions League”.

Liverpool ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyada oo kaliya 2 dhibcood ka heshay 2-dii kulan ee ay ciyaartay ilaa haatan premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here