Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay xaalado Beni’aadanimo ay ka jireen deegaanka Qaam-Qaam ee waqooyiga magaalada kismaayo ayaa waxaa wali isa soo taraya baahiyaha dhinaca caafimaadka ah ee ka taagan deegaankaasi,Gudoomiyaha Deegaanka Qaam-Qaam Cali Faarax Ismaaciil Cali Shaarub oo maanta Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Waamo ayaa sheegay in wali deegaankaasi ay ka jiraan baahiyaha dhinaca adeegyada bulshada oo u baahan in wax laga qabto.
Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.