Kooxda Liverpool oo Heshiis Cusub Ka Saxiixaneysa Xiddiga Diogo Jota.

0
210

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Kooxda Liverpool ayaa xiddiga Diogo Jota u soo bandhigi doonta heshiis cusub oo wakhti fog ah kadib markii uu xiddigu qabtay shaqadii laga doonayay.

Jota ayuu wali 3 sano uga dhimanyahay heshiiskiisa Liverpool ee haatan kadib markii uu sanadkii 2020 uga soo biiray kooxda Wolves.

Laakiin kadib qaab ciyaareed fiican oo uu soo bandhigay Klopp ayaa doonaya in uu 25 jirkan ku abaalmariyo heshiis cusub.

Sida laga soo xigtay wargayska The Telegraph, Liverpool ayaa heshiis cusub oo mushahar kordhin ah u samayn doonta xiddiga si ay muddo fog ugu sii hayso kooxda.

Xilli ciyaareedkii hore Jota ayaa dhaliyay 21 gool halka uu caawiye ka noqday 8 kale waxana uu kooxda kula guulaystay koobabka FA Cup iyo Carabao cup-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here