Taageerayaasha Kooxda Atletico Madrid oo Qorshaynaya Mudaharaad Lid ku ah Ronaldo.

0
186

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Taageerayaasha Atletico Madrid ayaa qorshaynaya mudaharaado ay kaga soo hor jeedaan in ay kooxdoodu la soo saxiixato xiddiga Cristiano Ronaldo.

Taageerayaasha Kooxda Atletico Madrid ayaa qorshaynaya mudaharaado ay kaga soo hor jeedaan saxiixa suurtagalnimada ah ee ay kooxdoodu u dhaqaaqi karto saxiixa xiddiga Cristiano Ronaldo inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaa doonaya in uu ku biiro koox ka ciyaarta tartanka champions League xilli ciyaareedka cusub maadama ayna Man United ka ciyaari doonin.

Xiddiga 37 jirka ah ayaa saxiixiisa u soo bandhigay Atletico Madrid iyada oo xitaa suuqa dhigtay xiddiga Antoine Griezmann si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa Cristiano Ronaldo.

Laakiin Taageerayaasha Atletico Madrid ayaa u muuqda kuwo ka soo hor jeeda in ay kooxdoodu u dhaqaaqdo saxiixa Cristiano Ronaldo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here