Inter iyo Chelsea oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Saxiixa Xiddiga Lukaku.

0
246

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Kooxaha Inter Milan iyo chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis cusub ka gaadheen xiddiga Romelu Lukaku kaas oo amaah ugu biiray kooxda Inter bilowgii bishan.

Inter iyo chelsea ayaa ka heshiiyay saxiixa xiddiga reer Belguim kaas oo qaab amaah a ugu biiray kooxda Inter suuqa xagaagaan.

Labada kooxood ayaa markii hore ka heshiiyay heshiis hal sano oo amaah ah laakiin haatan waxa soo baxaya warar cusub oo ku saabsan xiddiga Romelu Lukaku.

Wargayska Metro ayaa sheegaya in ay Chelsea iyo Inter Milan ka heshiiyeen in uu Romelu Lukaku laba xilli ciyaareed oo amaah ah ku qaato kooxda Inter Milan.

Halkii ay markii hore hal sano oo amaah ah kaga heshiiyeen saxiixa xiddiga reer Belguim Laakiin xiddiga ayaa haatan laba sano oo amaah ah ku qaadan doona Inter Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here