William Saliba oo Iska Diiday In uu Heshiis Cusub u Saxiixo Arsenal.

0
253

Kismaayo (Idaacadda Waamo)- Daafaca dhexe ee kooxda Arsenal ee William Saliba ayaa lagu soo waramayaa in uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal sabab la xidhiidha in uu ka shaki qabo in uu heli doono fursad uu isku muujiyo sida ay sheegayaan wararku.

Tan ilaa markii uu 27 milyan ugu soo biiray Gunners sanadkii 2019, Saliba ayaa ku fashilmay in uu kooxda 1-aad u ciyaaro kulan Rasmi ah.

Xiddiga reer France ayaa amaah loogu diray kooxaha Saint-Etienne, Nice & Marseille tan ilaa markii uu soo biiray kooxda Arsenal.

Saliba ayaa doonaya in uu marka hore qiimeeyo fursadihiisa ciyaarista xilli ciyaareedka cusub ka hor inta uuna go’aansan in uu heshiis cusub u saxiixo Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here