RASMI: Mohamed Salah Oo Firmino Ku Guuleystay Xiddiga Ugu Fiican Liverpool Ee Bishii August.

0
404

Kismaayo (Waamo Radio) Xiddiga Xulka Qaranka Masar Iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa Ku Guulaystay abaalmarinta Xiddiga ugu Fiican ee Liverpool ee Bisha August ee la soo Dhaafay.

Mohamed Salah ayaa Dhaliyay 3 Gool Sidoo Kale Caawiye Ka Noqday 2 kale Dhammaan Kulamadii uu u Ciyaaray Kooxda  Liverpool.

Mo Salah ayaa Kooxdiisa Liverpool ka Caawiyay ku Guulaysiga Koobka UEFA Super Cup oo ay ka Qaadeen Kooxda Chelsea Bartamihii bishii August .

Salah ayaa wada Ciyaaray Dhamaan  kulamadii ee ay Kooxdiisa Liverpool Ciyaartay tartamada oo dhan isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha ay weerarka ka wada ciyaaraan ee Roberto Firmino iyo Sadio Mane kadib markii ay codeeyeen taageerayaasha Kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here