Kooxda Man City oo Ku Biirtay Tartanka Loogu Jiro Daafaca Juventus.

0
227

Kismaayo(Waamo Radio)-Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Juventus u soo bandhigto dalab lacageed oo dhan 76 milyan oo euro si ay u hesho daafaca dhexe ee Matthijs de Ligt.

Daafacan ayaa lala xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxda ka dhisan Serie A ee Juventus, inkastoo labo sano ay uga harsan tahay heshiiskiisa uu haatan kula jiro kooxda.

Chelsea ayaa xiiso u muujisay saxiixa daafaca ka hor inta ayna kooxda Bayern Munich hogaanka u qaban tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga, Si kasta ha ahaatee Bayern Munich ayaa haatan wajahaysa tartan adag oo uga imanaya Man City.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa diyaar u ah inay 76 Milyan oo euro miiska u saarto kooxda Juventus.

Man City ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa dafaca de Ligt sabab la xidhiidha in ay chelsea ku dhawdahay saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Man City ee Nathan Ake.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here