Xiddiga Richarlison oo ku biiray Kooxda Tottenham Hotspur

0
208

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Kooxda Tottenham ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee reer Brazil ee Richarlison kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Everton iyaga oo ka saxiixday heshiis mudo dheer oo 5 sano ah.

Xddiga xulka qaranka ee Brazil Richarlison ayaa noqday saxiixii 4-aad ee ay kooxda Tottenham samaysay suuqii xagaagan kadib markii ay la wareegeen xiddigaha kala ah Fraser Forster, Yves Bissouma iyo Ivan Peresic kuwaas oo kooxda ku soo biiray xagaagan.

Kooxda Tottenham ayaa xiddiga Richarlison ka soo bixisay lacag dhan 60 milyan oo euro iyaga oo ka dhigay saxiixa 2-aad ee ugu qaalisan kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here