Chelsea oo xiiseyneysa xiddig ka tirsan Man City, mana ahan Raheem Sterling

0
187

Kismaayo (Idaacadda Waamo) Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel, ayaa doonaya inuu xoojiyo safkiisa daafaca si uu ugu diyaar garoobo xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.

Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska Ingiriiska ee Daily Mail, maamulka Blues ayaa xiiseynaya qandaraaska daafaca Manchester City Nathan Aké.

Warbixinta ayaa xaqiijisay in milkiilaha cusub ee kooxda Chelsea, Todd Boehly, uu la xiriiray maamulka Man City si uu wax uga weydiiyo Nathan Aké iyo Raheem Sterling.

Wargeyska Ingiriiska ayaa tilmaamay in Nathan Aké uu noqday xiddiga ugu sarreeya liiska heshiiyada ay baritilmaameedka ka dhiganeyso Chelsea ee dhanka difaaca.

Warbixinta ayaa xaqiijisay in Tuchel uu xiiseynayay Akie markii uu macalin u ahaa Borussia Dortmund, xiddiga reer Holland ayaa badel u noqon kara bixitaankii Antonio Rudiger oo ku biiray Real Madrid, isaga oo ka ciyaari kara boosas kala duwan oo garoonka dhexdiisa ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here