Mane oo shaaca ka qaaday faahfaah ku saabsan ka tagistiisa Liverpool, si uu ugu biiro Bayern Munich

0
200

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa shaaca ka qaaday faahfaah ku saabsan ka tagistiisa Liverpool si uu ugu biiro kooxdiisa cusub ee Bayern Munich.

Wargeysyada England ka soo baxa ayaa sheegaya in labada kooxood ay gaareen heshiis ku saabsan ku biirista Mane ee garoonka Allianz, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqo heshiiska.

Sida uu daabacay wargeyska Mirror ee dalka England, xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane, ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay go’aanka uu ugu biirayo kooxda Bayern Munich, wuxuuna yiri:

“Markii ugu horeysay ee wakiilkeyga uu ii sheegay xiisaha Bayern Munich, isla markiiba waan ku farxay.”

Xiddiga reer Senegal oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:

“Waxa aan halkaas u arkay, tani waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka, kooxduna mar walba waxa ay u dagaalamaysaa tartan kasta, marka aniga waxa ay ii ahayd fikrad aad u fiican, iyo go’aan sax ah, inaan halkan imaado.”

“Wakiilkeyga wuxuu ii sheegay inay jiraan dhowr su’aalood oo kooxo kale ah, tani waa qayb ka mid ah shaqada, laakiin waxaan dareemay dareen wanaagsan markuu ii soo bandhigtay qorshaha Bayern, waxaana u arkay in qorshaha Bayern uu yahay mid ka badan wax kasta oo kale.”

Sadio Mane oo wareysigan kaga hadlay dhowr arrimood ayaa waxyaabihii kale uu ka hadlay waxaa qeyb ka ahaa, ku guuleysiga Champions League markale, wuxuuna yiri:

“Ku guulaysiga Champions League mar kale? Ma doonayo in aan idhaahdo maya, wiil kasta waxa uu doonayaa in uu ku guulaysto Champions League, hadda waxaan qeyb ahay koox aad u tartan badan, laakiin weli waa xilli hore in laga hadlo Champions League, wali ciyaar maanu ciyaarin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here