Raysul Wasaare Khayre Oo Shaqooyin Kala Duwan Ka Wada Baydhabo

0
460

Kismaayo(Waamo Radio)Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqasho ugu tegay 415 Aaskar Booliis ah oo tababar uga socdo magalaada Beydhabo, loona diyaarinayo ka qayb qaadashada sare u qaadidda amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan, si ay ugu fududaato u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Ciidamada oo Ra’iisul Wasaaruhu booqday ayaa marka ay dhameystaan tababarka waxaa loo qeybinayaa qayb ka ku biirta howl gallada amniga lagu sugayo iyo qayb tababar dheeraad ah la siiyo si ay ugu mid noqdaan ciidamada booliiska gaarka u tababan.

Dhanka Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax dhigay dhisma waddo 1,500 oo mitir oo dhex marta magaalada Beydhabo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu-socoka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Dhismaha wadada oo ay fulineyso dowladda federaalka ayna maal gelineyso dowladda Norway ayaa inta la dhisayo waxaa ka shaqeynaya 500 oo shaqaala dadka deegaanka ah oo ay shaqo abuur u noqoneyso.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka kale, xarigga ka jaray ceel biyood ay dhistay Save the Children oo kamid ah mashaariicda horumarineed ee magaalada Beydhabo laga hir-geliyay kaas oo si lacag la’aan ah biyaha uga cabayaan 4,000 oo qoys oo ku nool xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed..

Waamo Radio-kismaayo

Abdijamal Moalim Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here