Liverpool oo diiday dalabkii ugu horreeyay ee kooxda Bayern Munich

0
180

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Liverpool ayaa diiday dalabkii ugu horeeyay ee uga yimid Bayern Munich si ay ula soo saxiixato weeraryahanka reer Senegal ee Sadio Mane.

Qandaraaska Mane ee Liverpool wuxuu dhacayaa xagaaga 2023, warar badan ayaa sheegaya inuu diiday inuu cusbooneysiisto, isla markaana uu doonayo inuu tijiaabiyo khibrad cusub oo meel kale ah.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail ee dalka England, Liverpool ayaa diiday dalabkii ugu horreeyay ee Bayern, kaasoo ahaa 21 million pounds.

Mane ayaa yiri dhowr maalmood kahor, shir jaraa’id uu qabtay wuxuu saxaafada u sheegay:

“Laga bilaabo 60 ilaa 70% taageerayaasha reer Senegal ah waxay doonayaan inaan ka tago Liverpool, waxaan samayn doonaa wax kasta oo ay rabaan.”

Maalmo yar kaddib xiddiga kooxda Liverpool ayaa markale la hadlay warbaahinta, si uu u caddeeyo hadaladiisa, wuxuuna yiri:

“Hadalkayga wuxuu ahaa mid kaftan ah, laakiin meel walba wuu ku faafay, waxaan filayaa in aan halkaa ku joojin doono.”

“Waxaan ixtiraam badan u hayaa Liverpool FC.”

“Taageerayaasha Reds waxay i taageereen maalinti koowaad, mustaqbalkaygana waan arki doonaa waxa dhaca.” Ayuu yiri Mane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here