Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Weeraryahankii hore ee kooxda Aston Villa, Darren Bent ayaa aaminsan in xilka kabtannimo ee Manchester United uu mudan yahay David de Gea in ka badan Cristiano Ronaldo.
Macallinka cusub ee ee Man United, Eric ten Hag ayaa doonaya inuu magacaabo kabtankiisa cusub ee kooxda kaddib bandhiggii liitay ee Harry Maguire, xiddiga xulka qaranka Portugal ayaana ka mid ah musharraxiinta ugu cad-cad ee xiran kara calaamadda hoggaaminta Red Devils.
Isagoo la hadlayey talkSPORT waxa uu yiri Bent: “Waxa ay ila tahay in David de Gea ay ahayd inuu noqdo kabtanka, waxa kaliya ee Ronaldo aan ku tilmaami lahaa waa hoggaamiye, laakiin wuu isku dayay xilli ciyaareedkan, ciyaartooy badanna ma raacsanayn, qaarkood dhan kale ayay iska aadeen.”
Kooxda Manchester United ayaa kaalinta lixaad kaga dhammaysatay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, waxaana ay Red Devils ay ku guuldarreysatay inay u soo baxdo UEFA Champions League, natiijadaas ayaana ka dhigan in xilli ciyaareedka soo aaddan ay ka ciyaari doonaan tartanka UEFA Europa League.